
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka oo saacado badan qaatay intiisa badan waxaa diirada laguy saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.
Sheekh Shariif ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in weli baahi loo qabo, islamarkaana looga fadhiyo inay soo xulaan xildhibaano u qalmo marxalada adag ee haatan lagu jiro.
Qaar ka tirsan odayaasha oo dhankooda ka hadley kulanka ayaa u mahadceliyey Sheekh Shariif oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee somaliya.