Wasiirka warfaafinta oo ku eedeeyey qaar ka mid ah maamul goboleedyada dib u dhaca doorashooyinka

0
72

Wasiirka warfaafinta dowladda federalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah maamul goboleedyada in ay masuul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay kulan dood wadaag ah oo arrimaha doorashada looga hadlayay, ayaa sheegay dowladdu in ay ka la’dahay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay soo buuxiyaan xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayay.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kowda december ay ku beegan tahay xilligii lagu heshiiyay in ay dhacdo doorashada aqalka sare.

Khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa Qatar ku ah in ay doorashada ku qabsoomto waqtigii loogu talo galay.