Duqeymo xaley laga fuliyey deegaano ka tirsan gobolka jubada dhexe

0
56

Warar aan ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay afar duqeymood laga fuliyay degmada Saakoow iyo deegaanka Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo sidoo kalena la burburiyay xarun lagu sameeyo qaraxyada, sida ay ku warrameen ilaha amni.

Duqeymahan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee cidiamada Mareykanka u qaabilsan Africa.

Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa rumeysan in duqeymahan ay yihiin kuwii ugu cuslaa ee Al-Shabaab ee lala beegsado tan iyo markii ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaaray 700 badankood lagu saaray amar kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.