Ururka jaamacada carabta oo baaqyo kala duwan u direy kooxaha isku heysta siyaasada dalka

0
87

Wadamo badan iyo Ururo Caalami ah oo daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa baaqyo kala duwan ka soo saarey xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya maadama weli an wax hehsiis ah laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya.

Ururka Jaamacada Carabta oo baaqyadaasi kuwoodii ugu danbeeyey soo saarey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hogaamiyayaasha Siyaasada ee Soomaalida ay wadahadlaan.

War kasoo baxay Ururka ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay tixgelineyso dadaalada ay sameynayaan Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya & dowlad goboleedyada si loo helo xal kama dambeysa ah oo ku aaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka.

Sidoo kale Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta qeybaha siyaasadda ee Soomaliya inay dib u bilaabaan wada-hadalalda ku aadan sidii loo gaari lahaa doorash loo dhan yahay oo ka dhacda Guud ahaan dalka Soomaliya.

Ugu dambeyn Ururka Jaamacada Carabta ayaa soo dhaweeyay shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo, isla markaana ay taageerayaan sidii ay u gaari lahaayeen xal waara oo isku heynaya Midnimada Soomaaliya.