Gudomiyaha aqalka sare oo ka horyimid qaabka loo dhisay golaha adeega garsoorka

0
98

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si cad uga so horjeestay hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka Soomaaliya oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya,waxaana saxiixay Farmaajo, iyada oo aan loo gudbin Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in lala socdo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9 xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer ilaaliyaha guud tallaabadaasna ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu sheegay in Golaha Shacabka 22-kii Bishii November ee 2020 uu u soo diray Aqalka sare qaraar uu kusoo ansixiyay 7 Xubnood oo kamid noqonaya Golaha Addeega Garsoorka kuna jiran guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.