Prof Cabdi Ismaaciil oo sheegay in shirkii baydhabo ka dhacay lagu dulmay xuquuqda gobolada waqooyi

0
123

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si gaar ah isku dul-taagay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo.

Prof Samatar oo ka mid ah Aqooyannada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa ku tilmaamay shirkii Baydhabo sida uu hadalka u dhiggay mid lagu dulmay xuquuqda gobollada Waqooyi, isaga oo fariin u dirray bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

Prof Samatar ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir in ay hoos u eegaan sida uu hadalka u dhiggay dulmiga lagula kacayo dadka reer Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho, islaamarkaana u hiilayaan si la mid ah ayuu yiri sidii aan ugu hiilanay 1960kii.

Wuxuu sheegay in haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan wadatashi dib isugu laaban doonaan” Haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan oo aan weyno cid ka hadashaa dulmiga la sameynayo, weynu ka tashan doonnaa Annaga oo waliba Midnimada ku mintideyna tallaabo kale ayeeynu qaadi doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.