
Warmurtiyeed ka kooban ilaa lix qodob ayaa ugu danbeyntii laga saaray shir saacado badan qaatay oo Hotel Decale ee magaalada Muqdisho uga soconayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo midowga Musharixiinta.
Kulanka oo lagu lafa-guray arrimo dhowr ah ayaa lagu heshiiyay ugu danbeyntii dib loo dhigo dibadbax lagu waday in maalita Barri ah mucaaradku ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon, iyadoo dhinaca kalana Xukuumaddu sheegtay in ay ka xun tahay wixii dhacay 19kii bishan, islamarkaana loo saarayo guddi arintaa soo baara.

