
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirkii goor dhawayd ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in 2 qodob la isku af gartay, balse uu wali shirka socdo.
Shirkani ayaa u dhexeeya siyaasiyiinta beelaha hawiye mucaarad iyo muxaafid waxaana halkaasi ku sugan Ra’iisul Wasaaraha, iyo Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle,. Waxaana la sheegay in heshiis hordhac laga gaaray qeybo ka mid ah ajandayaasha shirka.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xukuumadda ay ka dalbatay musharaxiinta in bannaanbaxa berri 26 February la qorsheeyay in dib loo dhigo, si loogu diyaar garoobo sugida amniga iyo sidii loo qaban lahaa bannaan bax si nabadgelyo ku dhaca.
Sidoo kale Xukuumadda waxay aqbashay in Guddi baaritaan u saarto wixii dhacay 19 Febraayo, ayna shaaciso inay ka xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.