Beesha caalamka oo soo dhaweeyey heshiiskii ay gaareen mucaradka iyo dowlada

0
150

Wakiiladda Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xalay xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri ”“Waxaa si diirran u soo dhaweyneynaa heshiiskii ay ku dhawaaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxaan bogaadineynaa islamarkaana u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday,

Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku dhiirra galinayso dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag.