
Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Maamul-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.