
Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo saaray warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin & degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay howlgalkii ugu dambeeyay ku qaadeen degaananda Mishaani iyo Doonka daafeedow, halkaas oo ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM Gen. Don William Nabasa ayaa sheegay in howlgallada oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qeyb ka ahaayeen hawlgallo isdaba-joog ah oo socda oo loogu talagalay in lagu sii yareeyo awoodaha Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM ay weerareen 12-kii Bishii Febaraayo Tuulada Adimole, halkaas oo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab si ay u weeraraan fariisimaha ciidamada AMISOM.
Wakiilka Gaarka ah iyo Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada AMISOM qeybta 1aad guulaha ay ka gaareen howlgallada, isaga oo sheegay in howlgalladaan ay kordhinayaan amniga degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose oo mararka qaar ay weeraro ka dhacaan.