
Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa liiska dadka lagu soo rogay cunaqabateynta waxaa uu ku daray seddex hoggaamiye oo Al-Shabaab ka tirsan.
Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab uu cunaqabateynta ku soo rogay golaha ammaanka ayaa kala ah Abuukar Cali Adan, Macallin Ayman iyo Mahad Karataay.
Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, halka Macalin Ayman sida golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay sheegeen uu yahay aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha waddamada Soomaaliya iyo Kenya.
Mahad Karataay oo sida oo kale loo yaqaanna C/raxmaan Axmed Warsame ayaa isna golaha ammaanka uu ku sheegay in la aaminsan yahay inuu xubin firfircoon uu ka yahay ururka Al-Shabaab.
Mareykana wuxuu horay Mahad Karataay uu madaxiisa uu u dul dhigay seddex malyan oo doolarka Mareykanka ah.