
Wararka ka imanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafay Iskahorimaad culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo waliba xoogagga Ururka Al-shabaab
Dagaalkan oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa waxaa guulo ka seegtay maamulka Gobolka Baay oo warbaahinta u sheegay in khasaare culus la gaarsiiyay xoogaggii weerarka soo qaaday.
Maxamed Mukhtaar Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Qansaxdheer ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan dagaalamaayaasha Ururka Al-shabaab, sidoo kalana gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Ururka oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar culus ku qaadeen degmada iyaga oo iska caabin xoog leh kala kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.