
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Feeeraalka Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa mar kale ka hadlay sii wadista dadaallada lagu xalinayo khilaafka doorashada ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida.
Kulanka oo ka dhacay aalada Internet ka Zoom -ka ayaa sidoo kale beesha caalamku ku bogaadiyeen isfahamkii hor dhaca ahaa ee dhawaan dhaxmaray xukuumadda iyo midowga Musharixiinta.
Wakiiladda caalamka oo dhawaan kulan la yeeshay Rooble waxaana ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.