
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
kulankan ayaa Waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga wacyigelin lahaa Bulshada ku nool Caasimadda Cudurka Safmarenka ah ee Covid -19, waxana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu amar ku bixiyey in la xirto Afsaarka si looga gaashaanto Xanuunka Covid19.
Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish oo Akhriyay War-saxaafadeed kasoo baxay duqa Muqdisho ayaa la faray, Goobaha Ganacsiga, sida Dukaamada, Maqaayadaha, Carwooyinka Bangiyada, xafiisyada bixiya adeegyada in aysan u ogolan qof aan heysan afxirasho in uu ka dukaameysto goobtooda Ganacsi.