Reysulwasaaraha iyo golaha musharixiinta oo shir uga furmey hotel ducaale

0
65

Reysulwasaaraha xukuumada federaalka somliya, Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir midowga iyo musharixiinta ayaa dhawaan kulan waxaa uu uga furmey Hotelka Decale oo ku yaal garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in shirka looga hadlayo sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii 25kii Febraayo, isla markaana Xukuumadday ay dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.

Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka lagu sameyn doono laba Guddi oo labada dhinac ka kala socda, kuwaas oo kala ah gudiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febaraayo iyo Guddiga qorsheynaya dibadbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.