Reysulwasaare rooble oo maanta mar kale la kulmi doona golaha musharixiinta

0
62

Raysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta markale uu kulan kula qaato magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay inuu daba socdo kulankii dhawaan uu la qaatay xubanaha Musharaxiinta ee heshiiska aay ku wada gaareen Muqdisho si loo baajiyo banaanbaxyadii aay doonayeen iney sameyaan Midowga Musharaxiinta kaasoo aay qeybtana ka ahaayeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in kulanka maanta diirada lagu saari doono doorka Midowga Musharaxiinta ay ku yeelan doonaan wadahadallada la xiriira dhameystirka doorashooyinka dalka iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Septembar.