
Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur, ayaa soo jeedisay in dib loosoo celiyo xayiraadii lagusoo rogay Soomaaliya, sanadkii hore.
Wasiirka caafimaadka oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda twitterka, ayaa sheegtay in xayiraada ay tahay habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo faafida cudurka COVID-19 .
Warbixinta maalin laha ee wasaaradda caafimaadka ay soo saarto ayaa muujinaysa xawaaraha saa’idka ah ee faafitaanka cudurka COVID-19 , waxaana sidoo kale sii kordhaysa heerka dhimashada cudurka.
Tan iyo markii uu dib u bilowday faafida cudurka COVID-19 ee bishii lasoo dhaafay, tirada dadka qabay waxay maraysay afar kun iyo dheeraad, halka dhimashaduna ahayd ku dhawaad boqol qof.
Laakiin, labo bil gudaheed ayuu heerka faafitaanku gaaray in ka badan 7 kun oo kiis, halka dhimashada marayso in ka badan 230 qof.