
Golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo inuu fashilinayo wadahalada u socda iyaga iyo raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Musharrixiinta ayaa lagu sheegay shirka farmaajo uu shaaciyay mid lagu carqaladaynayo shir khamiista dhexmari lahaa raysal wasaaraha iyo midowga musharrixiinta kaasoo looga hadlayo kaalinta musharrixiinta ku leeyihiin wadahadalada doorashada iyo amniga.

