Madaxweynaha maamulka puntland oo ka hadley qilaafka kala dhexeeya farmaajo

0
60

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi deni ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha soo cel celiya khilaafka ka dhaxeeya dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay uusan jirin khilaaf rasmi ah oo u dhaxeeya dowladda & Maamulka Puntland, hayeeshee ay diidan yihiin nidaamka siyaasiga ah ee uu dalka ku maamulayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Deni oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu sheegay in Puntland ay wadashaqyen la leedahay hay’adaha kale ee dowladda, balse kaliya Puntland ay iidan tahay barnamijka siyaasiga ah ee Maxamed Cabdullahi farmaao uu ku hagayay dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday in uu diidan yahay nidaamka federaalka ah, sidoo kalena dowladda uu hoggaaminayay ay sharci darro ku meel marisay shuruucyo.