
War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”
Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood.