
Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay si ugu dhaqsiyaha badan kulmaan.
Qoraal kooban oo la soo dhiggay bogga Twitter ka ee safaaradda ayaa lagu yiri” Waqtigu wuu socdaa, waa in madaxda Soomaalidu ay hadda kulmaan, si ay u gaaraan go’aan u fiican umadda Soomaaliyeed loona dhameystiro wadahadallada doorashooyinka”
Warka safaaradda Mareykanka ka soo baxay ayaaa imanaya iyadoo beesha caalamku wadajir u bogaadiyeen dadaallada socda iyo wadahadallada dhinacyada Soomaalida ee la doonayo in lagu xalinayo dhamaanba khilaafaadka ka jira doorashada dalka.
Beesha caalamka ayaa u muuqata xiligan in ay cadaadis weyn ku saareyso dhinacyada Soomaalida in ay heshiis kama danbeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.