Golaha musharixiinta oo ku sheegay inay sii wadi doonaan wadahadalada ay kula jiraan reysulwasaare rooble

0
147

Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ka musharraxiin ahaan inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka ka jira dalka kaliya lagu xalin karo wada-hadal iyo in la’isugu yimaado miiska, si foolka fool ah.

Musharraxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrinta taagan aan lagu xallin karin fagaare kale, loona baahan yahay in lasii wado dadaalada socdo iyo wada-hadallada.