Baarlamaanka carabta oo soo dhaweeyey jadwalka doorashooyinka somaliya

0
94

Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan Al-casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaalida aay u muujiyeen doorka kaga aadana sidii horay loogu dhaqaaqi lahaa si doorasho dalka u aado.

Guddoomiye Caadil Bin Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta inuu garab ku siinaayo dowladda Soomaaliya xasiloonida iyo horumarka dalka Soomaaliya.