
ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnuur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maalintii 2-aad uu maanta cuntada ka sooman yahay Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ah u xiran dowladda Soomaaliya.
Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu hogaamiye ka yahay Sheekh Mukhtaar ayaa warbaahinta u sheegay in xubno ka tirsan NISA oo la socda xaaladda Abuu-Mansuur ay ku soo wargeliyeen in maalintii 2-aad uu raashinka ka sooman yahay.