Alshabab oo beenisay haldalkii ay shaley sheegtey hey’ada nisa

0
287

Al-Shabaab ayaa ka hadashay warka ka soo baxay Nabad Sugida Soomaaliya oo ay ku sheegtay in kooxdaasi ay maleegeyso shirqool ay ku dileyso madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa lagu sheegay in sirdoonka Soomaaliya aysan awood u leheyn iney ogaato xogta kooxdaasi, sarkaal Shabaab ah oo la wareystay ayaa sheegay inuusan jirin sheegashada NISA, wuxuusa xaqiijiyay in mar kasta bartilmaameed ay u yihiin xubnaha dowladda.

Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen” ayuu yiri ssrkaal Shabaab ah.

Sarkaalkan Shabaabka ah oo magaciisa sababo amni darteed u qariyay ayaa dhinaca kale meesha ka saaray inuu jiro magaca sarkaal Shabaab ah oo la yiraahdo Maxamed Maahir, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyiinta dowladda ay iyagu dhexdooda is raadsanayaan.