Gudiga doorashooyinka oo sheegay xildhinaada qaatey shahaadada

0
117

Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa wali ka wada xaruntooda magaalada Muqdisho bixinta shahaado siinta Xildhibaanadda cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa Maanta shahaadada Xildhibaanimo siisay ilaa 5 Xildhibaan oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana tirada 5-ta Xildhibaan ee Maanta shahaadada la siiyay ay ka dhigtay tirada guud ee Xildhibaanadda shahaadada qaatay 200 oo Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal.

Iyadoo ay socoto shahaado siinta Xildhibaanadda cusub ayaa hadana waxaa jirta in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaanan wali si rasmi ah u qaadan shahaadada Xildhibaanimo, marka laga reebo sadax Xildhibaan.