Wasiirka wasaarada amniga oo eedeyn usoo jeedey madaxweyne farmaajo

0
205

Wasiirka wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka shaqeynaayo sidii uu sifo sharci darro ah ugu sii joogi lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sababta Farmaajo uu u difaacay ceyrintii wakiilka Midowga Afrika ee Danjire Madeira iney tahay sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika.

Waxaa uu intaasi ku daray wasiirka Amniga ineysan marnaba dhici doonin in Danjire Francisco Madeira uu dalka kasii shaqeeyo, iyadoo la iska indha tiraayo go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in laga badbaadi doono qatarta kusoo wajahan dalka, hadii lagu guuleysto dhaarinta Xildhibaanadda cusub, hayeeshee hadaan lagu guuleysan dhaarinta Baarlamaanka 11-aad ee dalka halista ay ahaan doonto mid sii jiri doonto.