Xaggee loo wadaa Soomaliya?!

0
986

Waayahan waxaa taagnaa in xulashada/doorashada xildhibaanada Soomaaliya uu muran badan hareeyay, gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee xildhibaanada laga soo xulay/doortay deeganada Dawalad Goboleedka Koonfur-Galabeed. Xildhibaanada Dawlad goboleedkaa waxaa laga hakiyay saddex xildhibaan, oo lagu yiri looma marin habraacyadii xulashada/doorashada xildhibaanada Gollaha Shacabka. Waxaana eeddaa iska diiday oo ka horyimid Xildhibaanada la soo xulay/doortay iyo hoggaanka Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxayna Xildhibaanada badankoodu iyo Madaxda dawlad goboleedkaba go’aansadeen inaysan ka qayb gelin shahaadda bixinta ka socota xarunta Guddiga Doorashada Federaalka ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo markii horeba aysan sax ahayn, wax qanuun ah oo loo cuskan karana uusan jirin habka xulashada/doorashada ka socota dalka Soomaaliya, haddana waxa la yaab leh ah in wax wada hadal iyo wada xaajood arrimahaa ku saabsan uusan dhex marin Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, si loo xaliyo ama looga gun gaaro tabashada ka soo yeertay dhinaca Koonfur-Galbeed, maadaama ay arrimuhu ku socdeen wadatashi iyo wadar-ogol. Waxaana la leeyahay loo hakin maayo hawlaha dhaarinta xildhibaanada Gollaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sareba, iyadoo loo madlan yahay maalinta 14ta Bisha Abriile ee 2022da, sida uu Warbaahinta ku baahiyay guddoonka Guddiga Doorashada Federaalka.

Taasoo run ahaantii ka hor imaanaysa, xeerarka aasaasiga u ah dib-udhiska dawladeed ee Dalka Soomaaliya, sida uu qabo Dastuurka Qabya-qoraalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu leeyahay;

Cutubkiisa 5aad, Matelaadda Shacabaka, Qaybta 2aad,Qodobka 56aad; Mabaadii’da Doorashooyinka, Faqradda 3aad; In dhamaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan matelaad caadil ah.

Cutubka 6aad; Baahsanaanta Awoodda Dawladda ee Jamhuuriyadda, Qaybta 1aad, Qodobka 60aad; Mabaadii’da Federaalka ee Jamhuuriyadda, Faqradda 1aad, Xarafka (G)- Khilaafaadka oo wada hadal iyo heshiisiin lagu xaliyo.

Cutubka 7aad; Baarlamaanka Federaalka, qaybta 2aad, qodobka 72aad; Tirada Xubnaha Gollaha Shacabka, Faqradda 3aad; Tirada guud ee xubnaha Gollaha Shacabka waa inay matelaad isu dheelitiran ku yeeshaan dhamaan qaybaha Bulshada.

Qaybta 3aad, Qodobka 79aad; Xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; Aqalka Sare ee Baarlamaanka wuxuu metelaa Dawlad goboleedyada.

Qodobka 80aad, faqradda 3aad; Dhamaan qaybaha bulshada waa inay matelaad isu dheelitiran ku yeeshaan tirada guud ee Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddaba haddii sidaasi uu Dastuurka dalka tilmaamayo, siday suuragal ku noqon kartaa inuu guntamo ama ay qabsoonto dhaarinta iyo fadhiisinta Gollaha Barlamaanka, iyadoo bushadii Soomaaliyeed oo qaybaheeda qaar maqan yihiin, haddii loo eego dhinaca awood qaybsiga beelaha iyo dhinaca matelaadda Dawlad goboleedyadaba, waana xad gudub siyaasadeed iyo boob doorasho iyadoo la beegsanayo dad gaar ah, si xuquuqdooda aasaasiga ah loo duuddsiiyo.

Dhinaca kale arrimaha socda waxay u muuqdaan kuwa abaabulan oo si kutalagal ah loo sameeyay, si loo xagal daaciyo, tashwiish iyo jahwareerna loogu furo Isbahaysiga beelaha Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha Shanaad ee ay kaga arrinsanayaan qorshaha siyaasadeed ee qabashada hoggaanka sare ee dalka Soomaaliya oo ay beelo gaar ah (Daarood iyo Hawiye) isa siiyeen, kuna xafiltamayeen todobaatankii sannadood ee ugu dambeeyay, kuwaasoo dalkan dib u dhac dhaqan bulsha, dhaqan dhaqaalle, dhaqan siyaasadeed, burbur hanti guud iyo mid gaar ahba u gaystay, u horseeday shacabka barakac iyo qaxootinimo, Umadda Soomaaliyeedna dhex dhigay kala qo-qob iyo xudduudo qabiileed oo ay ugu yeereen Dawlad Goboleedyo, iyadoo dhabtii maamuladaasina ay yihiin Dawlad Qabiileedyo magacyada loo maldhahay.

Haddaba waa in laga feejignaadaa khiyaamooyinka la soo maleegayo ee magaca dawladeed la huwinayo, ee lagu dagayo guud ahaan inta ku dulman maamulka siyaasadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan reer Koonfur-Galbeed si aan loo kala dhantaalin isku duubnida shacabka, siyaasiyiinta, indheergradka iyo hoggaanka Dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed iyo dadka Soomaaliyeed ee dano-wadaagta ay yihiin.

Axmad Suldaan