Qaramada midoobey oo malaayiin doolar ugu deeqdey dalalka ay abaaraha saameeyeen

1
114

Qaramada Midoobay ayaa 100 milyan oo dollar oo gargaar ah gaarsiineysa meelaha gaajada iyo haraadka ay kajiraan ee Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay saameeyeen colaadda Ukraine oo halis gelinaysa malaayiin qof oo xitaa qaarkood macluul wajahaya.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa maanta 100 milyan oo doolar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee dhexe mashaariicda gargaarka ee lix wadan oo Afrikaan ah iyo Yemen.

Lacagtan ayaa u sahlaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaashooda inay bixiyaan cunto, lacag caddaan ah iyo gargaar nafaqo oo muhiim ah iyo sidoo kale agabyo kale oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, hoy iyo biyo nadiif ah. Mashruucyada waxaa sidoo kale loo habayn doonaa si ay u caawiyaan haweenka iyo gabdhaha marka ay ku jiraan khataraha dheeraad ah.

Dhaqaalaha cusub ayaa lagu taageeri doonaa howlaha bini’aadantinimo, iyadoo 30 milyan oo dollar loogu talagalay Geeska Afrika oo loo qeybiyay Soomaaliya ($ 14 milyan), Itoobiya ($ 12 milyan) iyo Kenya ($ 4 milyan). Qaybaha soo haray loo kala siin doonaa Yemen ($ 20 milyan), Suudaan ($ 20 milyan), South Sudan ($ 15 milyan) iyo Nigeria ($ 15 milyan).

1 COMMENT

  1. Maxaa sabab u ah gajada iyo haraadka aan dhamaadka laheyn ee qarada AFRIKA?iyado ay hodon ku tahay shidalka nocyadisa kala duwan,uranium,platium,cober,gold iwm.iyado haysata dhulberedka ugu wanagsan calamka!

Comments are closed.