Xildhibaan: Codkaaga Ugu Hiili Wadanka

0
221

Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka kanada ayaa taageero u muujisiyey heshiisyada isbaheysiga ku dhisan ee beryahan ka socdey qeybo ka mid ah dalka somaliya qoraalkoodiina sidan ayuu u dhacay.

Haddaan nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kanada oo dhan waxaan aad u soo dhoweyneynaa kulamada, isbaheysiyada iyo isgaashaanbuursiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed ee isugu soo dhowaaday in aay wax ka bedelaan siyaasadda labada beelood ee talada wadanka isku wareejinaayey muddo ka badan lixdan iyo kow sanno. Waa waqtigii isbedel dhab ah la gaari lahaa oo xukunka iyo masiirka lagu soo celin lahaa gacanta umadda ugu tirada badan.

Waddanka waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye oo u abaabulnaa hab qabiil oo laba qabiil oo Soomaaliyeed kala hogaaminayeen si xuna loogu dhamaaday. Dadka ku dhamaaday, hantida ku baaba’day iyo saameynta xun ee dagaaladaas kuma ekeyn labadaas qabiil oo kaliya. Dagaalkaas iyo saameyntiisa ayaa weli la socota oo lagama gaarin xal waara iyo heshiis toona.

Sida aay ka dhawaajiyeen odayaasha dhaqanka ee saddexda beelood oo waaweyn – ma jirto beel nus ah ama laga tiro badan yahay Soomaaliya – oo matala dadka ugu tirada badan wadanka waxaa loo baahan yahay in isbedel xal lagu gaaro oo aan cidna lagu ahayn weerar la sameeyo.

Waxaan qabnaa in isbedelkaas uu ku imaan karo in labadaas beelood aay nastaan muddo oo la siiyo fursad aay dib isugu noqdaan oo aay dib ugu jaleecaan wixii waqti ah ee aay umadda ka soo lumiyeen. Ka dibna Allah ugu towbad keenaan.

Dowladda soo socoto marka la dhiso ka dib ugu horeyn waa in dib-u-heshiisiin gaar ah loo sameeyaa labadaas beelood oo walaalaha ah oo lixdanka sanno ku soo jiray colaado toos ah iyo kuwo dadbanba. Ka dibna dib-u-heshiisiin guud umadda oo dhan loo sameeyaa.

Waxay u muuqataa rajo wanaagsan in aay jirto oo lagama quusto gargaarka Rabbi. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda siyaasadda iyo xildhibaanada ka soo jeeda saddexdaan beelood oo lagu tuhmaayo in aay ku harsan tahay wadaniyad iyo Soomaalinimo dhab ah in aay ka shaqeeyaan sidii looga mira dhalin lahaa badbaadinta umadda iyo wadanka.

Waxaan Allah ka baryeeynaa in uu idin waafajiyo towfiiqda oo uu idinku hagaajiyo talada toosan. Laakiin, waxaad ogaataan mas’uuliyadda iyo masiirka wadanka in aay gacantiina ku jiraan wixii maanta ka dambeeya la idinkula xisaabtami doono dhaartii aad ku marteen dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan hortooda iyo Allah hortiisa.

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee kanada