Reysulwasaaraha oo sheegey inuu dalka ka bilowdey wejigii labaad ee la dagaalanka alshabab

0
216

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu bilaawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Xamse ayaa sheegay in mudo kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, islamarkaana loo gudbi doono deegaanada Jubbaland iyo koonfur Galbeed.

Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay diyaariaay ku dhawaad 10 kun oo askari oo qeyb ka noqonaya wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xureynaayo Ururka Al-shabaab, isagoon ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa faray dhamaan hay’adaha dowladda iney si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalada, isagoona ugu baaqay xildhibaanada iney tagaan deegaanada ay ka soo jeedaan oo ay dadka abaabulaan kuna dhiirigaliyaan in leyska xureeyo Al-shabaab.