Dowlada federaalka oo ka hadashey erey bixinta saxda ah ee loo adeegsanayo urur goboleedka EAC

0
253

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso erey bixinta Af-Soomaaliga ee saxda ee loo adeegsanayo urur goboleedka EAC, ee dhawaan ku biirtay Soomaaliya.

Bayaankan oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxay hay’adaha dowladda iyo warbaahinta kula wadaagtay in erey bixinta saxda ah ee EAC ay noqoneyso “urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga ah”.

Sidoo kale waxaa loo soo soo gaabin karaa urur goboleedka bariga Afrika, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan daba-yaaqadii bishii November, ayada oo xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ay dhawaan ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Sidoo kale waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedkan, waxaana lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.