Ciidamo ka cabanaya mushaar la,aan oo isbaaro dhigtey meel aan ka fogey madaxtooyada maamulka puntland

0
202

Ciidamo katirsan kuwa madaxtooyada Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan baahsan ayaa isbaaro dhigtay waddada laamiga ee gasha madaxtooyada iyo wasaaradaha ee magaalada Garowe.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa maamulka inay isticmaalaan waddadan, oo ah waddo aad u mashquulsan oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo hotelo waawayn.

Ciidamadan ayaa sheegay inay muddo dhowr bilood ah yihiin mushaar la’aan, iyagoo sheegay madaxweyne Deni inuu mushaarkooda u isticmaalayo ololaha doorashada, waxayna sheegeen in aysan arrintaas u dulqaadanayn.

Saraakiil katirsan ciidamada ayaa ku howlan in ciidamada iyo saraakiisha gadoodsan lagu qanciyo inay furaan waddada ay xirteen, wallow ay ku gacan sayreen markii hore saraakiil madaxtooyada ka socotay oo isku dayday inay ku qanciyaan in la xallinayo cabashadooda.