Maamulka koonfur galbeed oo go,aan ku gaarey ineysan ka qeyb gellin tartanka ciyaaraha maamul goboleeyada

0
133

Xiriirka kubadda cagta ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray go’aan lama filaan ah oo ay ka qaateen tartanka ciyaaraha ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la filayo inuu Jimcaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Koonfur Galbeed Axmed Cali Xasan (Axmed Doolar) oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in aysan ka qayb-geli doonin tartankaas, ayna isaga baxeen, wuxuuna eedeymo culus uu u jeediyay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliyeed.

Axmed Doolar ayaa shaaca ka qaaday inay tirsanayaan caddaalad darro weyn oo lagu sameeyay taas oo la xiriira dood laga keenay goolhayaha koowaad ee xulkooda.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Taas ayaa keentay in Koonfur Galbeed ay qaadato go’aan ah in aysan ka qayb-gelin tartana kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta laga xalinayo arrimaha taagan”.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka maamulaya tartanka aysan dhex-dhexaad ahayn, ayna si gaar ah u bartilmaameedsadeen xulka Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.