Beelaha Jiido iyo Gare oo maanta mar kale ku dagaalamay degmada qoryooleey

0
128

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo mar kale dib uga qarxay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka ayaa salka ku haya colaad ka dhex taagan beelaha Garre iyo Jiide oo horay isugu gaystay dilal salka ku haya aanooyin qabiil.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu kusii fiday xaafad horleh oo ka tirsan magaalada, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu daba socdo afar qof oo dhowaan lagu dhex dilay magaalada, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here