Taliska howlgalka atmis oo maanta ciidamada xooga dalka ku wareejiyey saldhig ay ku lahaayeen deegaanka bariire

0
199

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa maanta saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.

Munaasabad ka dhacday Bariire ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga loogu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay mas’uuliyadda amniga.

Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi.

ATMIS ayaa saldhiggan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 2019, waxaana ay sheegtay inuu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah, maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho

Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn.