Ciidamada gorgor oo howlgalo ku diley horjooge ka tirsan alshabaab

0
70

Ciidamada Gorgor ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Shaam garre oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjooge ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan ayaa la sheegay in ciidamada ay ugu galeen gurigiisa oo ku yaala deegaanka Shaam garre, islamarkaana ay halkaasi ku dileen, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan.

Horjoogahaan howlgalka qorsheysan ku dileen ciidanka Gorgor ayaa magaciisa lagu sheegay Sakariye Cabduqaadir Shabeelow oo loo yaqiinay Sakariye Moosow, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay kooxda.

Ugu dambeyntii taliye Cabdisalaan ayaa sheegay in howlgalada qorsheysan ee noocaan oo kale ah ay sii wadayaan ciidanka Gorgor inta laga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here