Golaha amaanka ee qaramada midoobey oo ka hadli doona arimaha amniga dalka somaliya

0
144

Golaha Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan Soomaaliya.

James Swan, oo ah ku simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Mohammed El-Amine Souef, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS ayaa warbixin siin doona golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub, xilli Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka cago jiidayaan maalgalinta howlgalkan.

jimcaha ayay ahayd markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.