Maamulka gobolka banaadir oo ka hadley qasaaraha ay geysteen roobabkii shaley ka da’ay magalada

0
69

Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da’ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah.

Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da’a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo iyo wadooyin muhiim ahaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in roobkii shalay ka da’ay magaalada Muqdisho uu sababay geerida labo carruur ah, kadib markii ay buuxsameen warihii ku yaallay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee roobkii Muqdisho ka da’ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa wali saameyntiisa si weyn looga dareemaya dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here