Somaliya oo dacwad ka dhan ah itoobiya u gudbisay golaha amaanka

0
31

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya iyo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan weli jawaab ka bixin arrintan.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ‘dhacdooyinka’ Itoobiya ay ku qasabtay dalkiisa inuu dib u dhigo bixitaanka xigay ee ciidamada ATMIS ee bisha Luulyo oo hadda loo riixay September.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here