Howlgalo lagu baacsanayo alshabab oo laga sameeyey degmada ceeldheer

0
56

Wararka aynu ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyeen agagaarka degmad Ceeldheer, kaasoo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaay Cali-cadhoole oo u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga qaarkood dilay, kana soo furtay hub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 xubnood, isla markaana laga soo furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadka lagu khaarijiyay howlgalka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here