Madaxweynaha oo xaley ka hadley xaflad loo sameynayey xuska 26 juun

0
150

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu xilkiisa madaxweynimo uga tago midnimada Soomaaliya iyo celinta gobolada waqooyi ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay xuska 64-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland, ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu sheegay inay kasoo horjeedaan wax kaste oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siodoo kale si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.