Wasiirka awqaafta iyo diinta oo mar kale walaalkiis xil uga magacaabay guddiga xajka 2025

0
182

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa soo saartay liiska guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ee sanadka soo socda 2025-ka.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Wasiirka Diinta Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali u magacaabay xoghayaha guddigaan ka shaqey doona adeega Xajka.

Waana sanadkii labaad oo Mukhtaar Roobow uu walaalkiis u magacaabay xilkaan, waxaana sanadkii hore qeylo dhaan ka soo saaray dad badan oo diidanaa qaabka loo qeybsaday xubnaha guddiga.