Xildhibaan maanta laga hor istaagay safar uu ku tegi lahaa magalada baydhaba

0
183

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa saaka lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo doonayay inuu gaaro Baydhaba.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ayaa lasoo warriyay inay is-hortaag ku sameeyeen safarka xildhibaanka, waxaana laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa.

Xildhibaanka ay arrintan saameysay oo ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in laga baajiyay safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay oo ah deegaan doorashadiisa.

Ciirow ayaa si weyn u eedeeyay hoggaanka NISA ee jooga garoonka, isagoo uu tilmaamay inay ka dambeeyeen in laga hor istaago inuu raaco diyaaraddii ku socotay Baydhaba.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan safarka xildhibaannada lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.