Ciidamada dowlada iyo kuwa atmis oo ka hadley dagaal ka dhacay deegaanka buula mareer

0
13

Wararka aynu ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tallaabo deg-deg ah ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Buulo-mareer, kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaaladaasi.

Weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa gelinkii dambe ee shalay ku eekeeyeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, ayada oo dib loo celiyay raggii weerarka qaaday.

Weerarkaasi kadib ayaa ciidamada huwanta waxaa ay bilaabeen iney howlgallo ka bilaabaan Buulo-mareer, si gacanta loogu soo dhigo xubnihii Al-Shabaab ee soo maleegay weerarka ka dhacay halkaasi.

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, loogana shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay sameeyeen iska caabin, sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here