Reysulwasaare xamsa oo itoobiya ku eedeeyey iney ku xadgudubtey madaxbananida dalka somaliya

0
11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa dalka Itoobiya ku eedeeyay inay “si cad ugu xadgudubtay” madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya kadib markii heshiis is-faham ah ay la gashay maamulka Somaliland.

Barre oo ka hadlayay fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii si weyn u dhaleeceeyay qorshaha Itoobiya ee ah inay saldhig badeed iyo dekad ganacsi ka dhisato xeebaha Somaliland. Wuxuu qorshaha Addis Ababa ku sifeeyay mid ay ku dooneyso inay ku qaadato dhul Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday maxbannaani gaar ah sannadkii 1991, balse ma jiro wadan u aqoonsan dowlad-madaxbannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha Disember ee ciidamada ATMIS ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here