Wasiirka arimaha dibada oo sheegey iney ka hortegi doonaan deeqaha bini’aaaneed ee siyaasadeysan

0
16

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan deeqaha bini’adamnimo ee siyaasadeeysan, waxaana uu shaaca ka qaaday in Wasaaradda arrimaha dibadda ay qaadan doonto doorkeedi la xisaabtanka Hay’addaga caalamiga ah ee deeqaha siiya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay la wareegi doonto ay qabato Hay’ado magaca Soomaaliya gargaar kusoo qaada haddana geeya goobo aysan baahi ama dhibaata ka jirin.

Sidoo kale Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay inuu ka digaayo deeqaha la siyaasadeenayo, waxaana uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay la socoto kuwa falalkaasi gacanta kula jira.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiir Fiqi mar uu booqanayay Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here