Howlgalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka mudug oo lagu diley horjogayaal ka tirsan alshabab

0
14

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa fiidnimadii hore ee Xalay howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gudaha magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjoogahii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug iyo xubno kale.

Guddoomiyaha degmada Baxdo ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimaha kooxdu ku laheyd Camaara inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidamada iskaashanaya ay doonayaan iney si buuxdo ula wareegaan magaalada Camaara.

Ugu dambeyntii xaaladda Camaara iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lasoo warinaya in wali tahay mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa magaalada Camaara ee dhacda koonfurta gobolka Mudug iyo deegaanada ku teedsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here