Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo wax ka qabashada caqabadaha muhiimka ah ee gobolka.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay isku afgarteen soo celinta iyo kor u qaadida xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo si buuxda u yeelanaya matalaad diblumaasiyadeed.
Sidoo kale, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda iskaashiga dhinaca ammaanka, iyaga oo isku raacay in la dardargeliyo wada shaqaynta hay’adaha amniga ee labada dal. Waxay si gaar ah uga digeen khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka, waxayna ku heshiiyeen in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka.
Dhanka kale, madaxdu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga, iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan.